Gudoonka Baarlamaanka Oo Markale Xildhibaannada Ku Wargeliyey Iney Usoo Xaadiraan Gudashada Howlaha Adag Ee Baarlamaanka Horyaala

0

Muqdisho(AGGM):Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku wargeliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka iney usoo xaadiraan gudashada howlaha adag ee horyaala Xildhibaannada Baarlamaanka oo ay ugu horeyso ka doodida iyo ansixinta Miisaaniyadda.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa yiri “anigoo ku hadlaya magaca Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaan si xushmad leh ugu yeerayaa Xildhibaannada xubnaha ka ah Golaha Shacabka ayaga oo fulinaya waajibaadka Dastuuriga ah iyo xeer Hoosaadka Golaha Shacabka qodobkiisa 16aad iney usoo xaadiraan Kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka oo furmay 22ka bishan March “

“Golaha Shacabka waxaa haatan horyaala arimmo aad iyo aad xasaasi u ah islamarkaana muhiim u ah, anigoo XIldhibaannada Sharafta leh xusuusinaya ineysan Miisaaniyadda sanadkan 2014 oo dhameystiran ansaxsaneyn,miisaaniyadda hada lagu dhaqmayo ee uu Golaha ansixiyey
fasaxiisa Dastuuriga ah ka hor waxa ay ku egtahay 31ka bishan,waqtigaasi oo aysan Xukuumaddu bixin Karin wax dhaqaale ah, dhammaan howlaha miisaaniyadda quseeya oo ay mushaarooyinka ugu horeeyaan wey joogsanayaan“ ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

“Ugu dambeyntii waxaan mar labaad ugu yeereynaa Xildhibaannada Sharafta leh ee jira gobollada Dalka iyo dalka dibaddiisa iney sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo xaadiraan xaruntooda shaqo ee Muqdisho si ay dib ugu furmaan fadhiyadii caadiga ahaa,guluhuna si hufun ugu guto waajibkiisa Qaran oo ay ugu horeyso Miisaaniyadda 2014ka oo hada gacanta lagu hayo”ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com