Muqdhisho(AGGM):Meydka wiilkan 4sano jirka ah oo dhagax lagu dilay ayaa saaka lagu arkay mid kamid ah Xaafadaha Degmada Hiliwaa kadib markii qoyskiisa ilaa shalay ay weysanaayen wiilkooda
Dhacdadan ayaa argagax galisay shacabka Degmada Hiliwaa oo markii horaba ku jiha wareersanaa dagaalada Degmada kusoo laa laabtay iyo dilalkaWaalidiinta Cunugaasi oo aan isku daynay inaan helno nooma aysan suurta galin balse mid kamid ah dadka deriska la eh Qoyska wiilkooda sida silac ah loo dilay ayaa nala wadaagaya arinta ku saabsan wiilka
Geesta kale Meydka wiilka inta la qafaashay sida foolxun loo dilay ayaa la geeyaysaldhiga Degmada Hiliwaa kadibna waxaa loosii qaaday Isbitaalka Madiina
Taliyaha Ciidamada Amaanka Degmada Hiliwaa Khaliif Axmed Maalin oo aan wareystay waxa uu shaaciyay in ilaa hada ay baaritaan ku hayaan sababt rasmiga ah ee cunuga yar loo dilay
Tani waxa ay kamid noqoneysaa dhacdooyinka dhif iyo naadirka ah ee Muqdisho ka dhaca ilaa hadana lama oga ujeedka laga lahaa dilka argagax galiyay dadka Hiliwaa ku nool ee loo geystay wiilka 4 sani jirka ahaa
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka