Garoowe (AGGM):Wasiirka Wasaaradda amniga Dowlada Puntland Xassan Cismaan Aloore oo la hadlay Idaacada Daljir ayaa sheegay in maamulka Soomaaliland ay ururka Al-Shabaab uso hogaansheen Buuralayda Galagala.
‘’Maamulka Waqooyi galbeed uu Xukumo Siilaanyo,hadda wuxuu ku darsaday inuu Shabaab soo hogaamiyo oo Buuraha Galgala soo galiyo’’Ayuu yiri Xassan Cismaan Aloore.
Mar uu ka hadlayay xiriirka Soomaaliland iyo Al-Shabaab ayaa wuxuu yiri ‘’Waxay seexdaan magaalooyinkooda waawayn ee Soomaliland ,addunka dhan ayaa ka war haya,ma aha wax la inkiri karo,Shahaadooyin ayuu siiyaa Siilaanyo,marka ay dad qoorta ka jaraan’’Ayuu yiri.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com