Baydhabo (AGGM): Aqoon yahan Ibraahim Heerow oo kamid ah aqoon yahanada gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaabisay wax u qabashada shacabka magaalada Baydhabo oo maalintii labaad maanta uu ka dhacay dibad bax lagaga soo horjeedo guddoomiyihii hore ee baarlamaankii dowladda kumeel gaadhka ahayd ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Aqoon yahanka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay muujiso kaalinteeda dowladdnimo oo aanay la safan dhinacyada isku haya maamul u sameynta goboladda koonfur galbeed Soomaaliya ee ku hirdamaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana uu aqoon yahan Heerow ku eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya in ay ku lug leedahay foodada iyo rabshada ka taagan magaalada Baydhabo.
Isku soo wada duuboo eedeeyntan loo jeedinayo Dowladda Soomaaliya ayaan ahayn midii ugu horeeysay balse dowladda Soomaaliya ayaa horay loogu eedeeyay in halkeey xal nabadeed oo wanaagsan u keeni lahayd xaaladaha murugsan ee ka jirta dalka Soomaaliya ay colaado hor leh ka hurinayso gobolada dalka Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com