War Cusub: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Dhalinyaro Gaaraysa 200 Ku Xiray Xabsiga Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada ay ka dhacday dhacdo aad loola yaabay doraad ka hor intaysan imaan wafdi ka socday UN-ka kadib markii dhalinyaro farabadan ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni soo aruuriyeen kadibna ku xireen xabsiga magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dhalinyaradan markii lasoo xiray kadib wafdi ka socday UN-ka loo soo bandhigay laguna yiri waa Al shabaab isa soo dhiibay.

Dhalinyaradan ayaa waxa ay isugu jireen Macalimiin, Arday, Ganacsato iyo Muruq maalato dhamaantoodna waxay kasoo jeedeen hal beel oo kamid ah beelaha daga magaalada Kismaayo.

Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa kale oo ay wafdiga UN-ka u sheegeen in Al Shabaabki gobolada Jubbooyinka ay isa soo dhiibayaan islamarkaana aan loo baahnayn in dagaal deg deg ah lala galo.

Dhinaca kale Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay ka codsadeen UN-ka in dhaqaale la siiyo si ay dhaqan celin ugu sameeyaan dhalinyaradan ay ku tilmaameen inay yihiin Al Shabaab-ka ee isa soo dhiibay.

Isku soo wada duuboo dhacdadan ayaa waxa ay ku tuseysaa damaaciga foosha xun ee horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, islamarkaana dhacdadan ayaa waxa ay noqonaysaa dhacdadi ugu yaabka badneed ee ka dhacda gudaha dalka Soomaaliya sanadka 2014.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com