Kismaayo (AGGM): Waxaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo Xarunta Gobalka Jubada Hoose Ciidama ka socda AMISOM kuwaas oo qayb ka ah Howlgalka AMISOM ee looga soo hor jeedo Alshabaab.
Afhayeenka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Cabdinaasir Seeraar, oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ciidamada oo qayb ka ah ilaa 2 boqol oo askari oo Burundi ka socda la dajin doono saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Kismaayo, si ay uga qayb qaataan qorshaha Al-Shabaab looga xoreynayo qaybo ka tirsan gobollada Jubbooyinka.
Horjooge Cabdinaasir Seeraar ayaa tilmaamay in Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni lagu soo wargeliyay in toddobaadyada soo socdana sidoo kale la keeni doono ciidamo dheeraad ah oo ka socda dalka Sierra Leone.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka howlgala Ciidama ka socda Kenya iyo Sierra Leone waxaana ku biiray sidoo kale Ciidama ka socda Dalka Burundi hayeeshee Ciidaamadaa ayaa loogu talagalay inay badalaan ciidamada Kenya islamarkaana ay Jubooyinka ka xoreeyaan Alshabaab.
Isku soo wada duuboo ciidamada ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ayaa waxay dhawaan gudaha u gali doonaan magaalada Kismaayo iyagoo si toos ah ulla shaqeenaya ciidamada Brundi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com