ONLF iyo Raaskamboodi oo Kismaayo heshiis ku gaaray.

0

Kismaayo (AGGM): Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose waxaa 7 cisho ee la soo dhaafay ka soconayay shir xasaasi ah oo wada qaadanayeen Masuuliyiin ka tirsan ONLF iyo kuwa Maleeshiyaadka Raasgambooni iyada oo ay kuwa ONLF qaarkood ka yimaadeen dalka dibadiisa iyo gudaha.

Dhanka Raasgambooni waxaa hurmuud u ahaa Macalin Maxamed oo ah ninka xiligan Maleeshiyaadka Raasgambooni hogaamiya iyo horjoogayaal ka tirsan maleeshiyaadkaasi.

Waxaa kale oo kulanka ka soo qeybgalay Ganacsato iyo Odayaal dhalasho ahaan ka soo jeeda dhinaca kulankan ku wada hadlayay.

Ujeedada kulankan ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid lagu lafo gurayay dhoowr arimood oo ay ka mid tahay soo afjarida qilaaf labada dhan ka dhexeeyay, xubno ka tirsan ONLF oo ay Itoobiya raadinaysay oo Kismaayo jooga kuwaas oo Raasgambooniyiinta ay qorshaynayeen in ay ku wareejiyaan Itoobiya iyo sidii looga hortagi lahaa, Awooda Itoobiya ee ku soo wajahan Kismaayo iyo Jubbooyinka sidii looga bad baadin lahaa dhalinyarada Absame ee Al-shabaab ku jira isla markaana Laga mid dhigo maleeshiyaadka Raasgambooni si aan loo layn maadaama ay Raasgambooni gacan ka siiyeen kana caawiyeen dagaaladii ay kismaayo ku soo qaadeen.

Masuuliyiinta ONLF ee UK qaarkood ka yimid ayaa si weyn u dhaliilay qaabka ay Raasgambooniyiinta u shaqeeyaan iyaga oo xusay in ONLF iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo dagaal soo jireen ah balse iminka ay doonayaan in Kismaayo ay noqoto goob ay ku bad baadaan kana abaabulaan duulaamadooda ka dhanka ah Itoobiya iyo shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka oo la xuso in rag ka tirsan ONLF ay ka mid yihiin kuwa guryaha u gala dadka kuna dila iyada oo dhaqankaas uu yahay midkii ay kala yimaadeen Itoobiya.

Xaafada Farjano oo kulankaani ka dhacayay ayaa waxaa la xaqiijinayaa in mudadii uu socday uu hareeyay is fahmi waa labada dhan ah iyada oo ay Odayaashoodu isku soo celinayeen marwalba taas oo markii danbe Go’aamo ay isla meel dhigeen manta lagu soo xiray shirkooda, taas oo Saxaafada loo diiday in ay shirka yimaadaan.

Kulankan waxa uu imanayaa xili xubno ka tirsan ONLF laga mid dhigay Maamulka Axmed Madoobe, waxaana jirta cabsi xoogan oo ay ONLF ta Kismaayo ka qabaan Ciidamada Itoobiya ee ku soo wajahan Jubbooyinka.

Waa markii ugu horaysya oo ay ONLF iyo Raasgambooni isugu yimaadaan shir noocan ah.

Nuradiin Abiikar (Nuunaas)

Kismaayo-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com