Turkiga iyo Faransiiska oo cambaareeyay weerarkii Buulo-burte.

0

Muqdisho (AGGM): Dowladda dalka Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay dhowaan ka geysatay magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in weerarka lagu bar-tilmaameedsaday ciidamo ku howlan soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Turkiga ayaa ka tacsiyeeyey khasaaraha ka dhashay weerarka, waxaana Alle looga baryey inuu u naxariisto dadkii ku dhintay, caafimaad deg-deg ahna siiyo kuwa ku dhaawacmay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dowladda dalka Faransiiska ayaa iyaguna cambaareeyey weerarkaas, waxayna ka tacsiyeeyeen khasaaraha soo gaaray ciidamada is bahaysanaya ee Soomaaliya iyo AMISOM.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maalmo ka hor weerar ku qaadday hoteel ku yaalla Buulo-burde oo ay ku sugnaayeen ciidamo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM. Shan askari oo ka tirsanaa ciidanka Jabuuti ayaa ku dhimatay,toddobo kalena waa ay ku dhaawacantay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com