Hay’adda sirdoonka dalka Norway ee la yiraahdo PST ayaa sheegtay inay baarayso war kasoo baxay Xarakadda Al-Shabab oo ku saabsan in nin odey ahaa oo dhawaan isku qarxiyay magaalada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan uu ka yimid dalkaasi Norway.
Afhayeenka hay’adda PST Siv Alsen oo la hadlay wakaaladda wararka AFP ayaa sheegay inay baaris ku samaynayaan arrinta ku saabsan in C/llahi Axmed C/lle oo 60 sano jir ahaa iskuna qarxiyay hotel ku yaala magaalada Buulo Barde uu ka mid ahaa Soomaalida Norway ka tagay.
“Waanu maqalnay warka Al-Shabab hase ahaatee waanu baaraynaa waxaana tuhunsanahay inuu ka mid yahay dadka tirada badan ee Norway ka tagay ee ku biiray ururada Al-Shabab ka mid yihiin” ayuu yiri Siv Alsen oo ah afhayeenka hay’adda sirdoonka dalka Norway.
Afhayeenkaan ma uusan bixin faafaahin intaan ka badan.
Horey dawlada Norway waxay u sheegtay in kooxdii sanadkii hore weerartay suuqa Westgate ee Nairobi uu ku jiray muwaadin Soomaaliyeed oo haystay dhalashada dalka Norway.
C/llahi Axmed C/lle oo ay Shababku ugu yeeri jireen Xabiibullaahi Muhaajir qofkii ugu da’da weynaa ee Soomaaliya ka fuliya fal isqarxin ah.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com