Dhuusamareeb(AGGM): Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa Xalay ilaa Maanta ka socday Shir ay lahayeen Ahlusunnada Gobolada dhexe iyo Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya Urur Goboleedka IGAD iyo Dowladda Itoobiya.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayey in Magaca Ahlusunna la iska dhaafo islamarkaana Magaca Dowladda Soomaaliya la qato oo Ciidamada Ahlusunna ay Dowladda ku soo biiraan.
Galabta ayaa shirkii lagu kala kacay,ayadoona Wafdigii doowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku soo laabteen.
Gudoomiye kuxigeenka Golaha Fulinta Ahlusuna Axmed C/laahi Ilkacase ayaa Faah-faahin ka bixiyey Shirka iyo Ismaadhaafka ka dhashay.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Ahlusunna