War Deg Deg Ah: R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Addis Ababa.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaaraha JFS Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ay maanta  u safrayaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

R/wasaare Cabdiwali iyo wafdigiisa ayaa shir uga qayb galaya magaalada Addis Ababa waxaa kale oo lagu wadaa in R/wasaaraha uu kulamo gooni gooni ah la yeesho madaxda dalka Itoobiya iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxii kasoo kordha warkan safarka R/wasaaraha kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com