Kismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in bartamaha magaaldaasi uu ka dhacay Qarax xoogan.
Warkan ayaa intaasi w axa uu ku darayaa in Qaraxan oo ahaa mid miino dhulka lagu aasay lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo saarnaa gaadiidka dagaalka, qaraxan ayaa waxa uu sababay sida la sheegayo Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gaari ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa lala haleelay miinadan dhulka lagu aasay, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobtas hadda soo gaaray maleeshiyaad kale oo ka tirsan Raaskambooni.
Ma ay jiraan ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo ku saabsan Qasaaraha ka dhashay Qaraxan.
Isku soo wada duuboo wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashadu tahay 5 ruux iyo gaarigii maleeshiyada oo ku bur buray goobtaas waloow aysan jirin saacadan cid xaqiijin karta warkan leeysla dhexmarayo.
Waxii kasoo kordha warkan kala soco wararkeena dambe.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com