Top News: Sirdoonka Maraykanka (CIA) Oo Weeraray Computerada Baarlamanka Maraykanka.

0

Washington DC (AGGM): Madaxa guddiga golaha Senateka u qaabilsan arrimaha Sirdoonka ayaa shaaciyey in hay’ada sirdoonka Maraykanka CIA ay si qarsoodi ah u weerartay computerada guddiga Baarlamaanka iyagoo ka tir tiray qoraalo xasaasi ah iyo baaritaankii ay wadeen gudigaasi.

Dianne Feinstein oo ah madaxa Guddiga Senateka u qaabilsan Sirdoonka oo ah guddiga la xisaabtama hay’adaha sirdoonka ayaa sheegtay in warbixino xasaasi ah oo muujinayey khaladaadka CIA-da laga tir tiray computerada yaalay xarunta Baarlamaanka oo ay ku shaqeenayeen guddiga baaritaanka wada.

Warbixinada la tir tiray ayaa la sheegay inay kamid ahaayeen xog la xariirta jirdilka ay Sirdoonka Maraykanka CIA u geystaan dadka ay qabtaan, in sirdoonka Maraykanka ku fashilay inuu xog fiican ka helo maxaabiista ku xiran Guwantanamo Bay oo la jirdilo iyo in CIA-da ay xog been ah u gudbiyaan Golayaasha Baarlamaanka.

“…Arrintan ay ku kacday hay’ada Sirdoonka waxay si dhab ah u burburineysaa sharcigii kala qaadayey awoodaha dowlada sida ku xusan Dastuurka Maraykanka…” ayey tiri Dianne Feinstein oo sheegtay in sirdoonka uu faraha lasoo galay awoodii Baarlamaanka iyo sharci-dajinta Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa laga codsaday inuu fasaxo qaar kamid ah qoraalada sirta ah ee hay’ada Sirdoonka si loo ogaado heerka uu gaarsiisan danbiyada lagu heysto hay’ada sirdoonka. Balse Aqalka Cad ayaan weli arrintan jawaab ka bixin iyadoo la filayo in Obama uu ka gaabsan doono xiligan inuu fasaxo qoraaladaasi, maadaama laga yaabo in arrintaasi isaga xafiiskiisa wax u dhinto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com