Top News: Danjire Kay Oo Usoo Jeediyay Beesha Caalamka In AMISOM Laga Taageero Lojistikada

0

Muqdisho (AGGM): Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa u soo jeediyay deeq-bixiyeyaasha caalamka in ay taageero dhinaca lojistikada ah u fidiyaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidamada dow ladda Soomaaliya oo billaabay weerarro ka dhan ah Al-Shabaab.

Wakiilka ayaa sheegay in howlgallada ciidamada ay billowdeen bishan markii ay ciidamada Itoobiya kala wareegeen Al-Shabaab Xuddur iyo magaalooyin kale oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Danjiraha ayaa tilmaamay in ciidamada Itoobiya ee dhowaan ku biiray AMISOM ay sameeyeen howl wanaagsan, isla markaana ay dib u qabsadeen magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla gobollada Bakool iyo Gedo.

Nicholas Kay ayaa xusay in ay AMISOM u baahan tahay dhaqaale dheeraad ah iyadoo dhowaan dowladaha Ingiriirka iyo Mareykanka oo keliya ay ugu yabooheen lacag dhan 6.5 milyan oo doollar.

Soomaaliya waxaa ka howlgalaya ciidamada ka kala socda Itoobiya, Uganda, Kenya, Burundi, Jabuuti iyo Sierra Leone.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com