Top News: R/wasaarihi Dalka Liibiya Oo Baxsaday Kadib Markii La Casilay.

0

Tripoli (AGGM): Baarlamaanka Liibiya ayaa xilkii ka xayuubiyey Raysalwasaare Cali Saydan, kadib markii la xaqiijiyey inuu baxsaday Markabkii Shidaalka ee laga lahaa dalka Kuuriyada Waqooyi.

Markabkan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa dekkada Al Sidra ee bariga wadankaasi Liibiya, xaruntaasi oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaad madax-banaan.

Maalinimadii Shalay ayuu Raysalwasaare Cali Saydan sheegay in ciidamada dowlada Liibiya ay la wareegeen markabkaasi isla markaana keeni doonaan dekkada ay maamusho dowlada.

Balse habeenimadii xalay ayaa la xaqiijiyey in markabkaasi uu la baxsaday shidaalkii uu siday oo laga qaaday dekkada Al sidra.

Baarlamaanka Liibiya oo arrintan kadis ku noqotay ayaa xilkii ka xayuubiyey Xukuumada Cali Saydan waxayna amar kusoo saareen inuu dalka ka bixi karin Raysalwasaare Cali Saydan. Balse warar hada soo baxaya ayaa sheegaya in Raysalwasaaraha xilka laga qaaday Cali Saydan uu ka baxsaday wadanka Liibiya hadana ku sugan yahay Jasiirada Malta.

Maleeshiyaadka gacanta ku haya xarumaha shidaalka laga soo saaro ee bariga dalkaasi Liibiya ayaa dhawaan ku dhawaaqay ismaamul gobaleed ka madax banaan Tripoli, waxayna sheegeen inay xaq u leeyihiin inay dhoofiyaan shidaalkooda.

Dowlada Liibiya ayaa Qaramada Midoobay ka codsatay inay cunaqabatayn kusoo rogto wadankii wax heshiis shidaal ah la gala maleeshiyaadka ku sugan bariga Liibiya.

Markabka ka yimid dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa ah kii ugu horeeyey oo shidaal ka qaada dhulka maleeshiyaadkaasi heystaan ee dalkaasi Liibiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com