Dhageyso: Sheekh Maxamed Xuseen Al Qaadi “Al Shabaab Waanu Ka Sifeeynaynaa Deegaanada Ay Ku Hareen”.

0

Buurdhuubo (AGGM): Saraakiisha Ururka Ahlusuna Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamadii xasilin lahaa deeganada laga saaro Ururka Al-Shabaab ee Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Ururka Ahlusuna Gobalada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay kol hadii ay Buurdhuubo gacanta ay ku dhigeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusuna qorshaha uu yahay in horay loosii socdo.

Wuxuu sheegay Sheekh Al-Qaadi inay diyaariyeen ciidamadii xasilin lahaa deeganada Shabaabka laga saaray oo amni buuxa kusoo dabaali lahaa, wuxuuna rajo ka muujiyay in Gobalada Koonfureed ay Shabaab ka saaraan.

Afhayeenka Ahlusuna Gobalada Koonfureed, ayaa ka hadlay sidoo kale xiriirka wada shaqeyneyd ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya isaga oo sheegay inuusan wanaagsaneyn xiriirka Dowladda kala dhaxeeya.

Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya waxaa ka socdo howlgalo xoogan oo ay wadaan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com