War Deg Deg Ah: Buulabarde oo Al-shabaab Gacantooda ka Baxday.

0

Buulabarde(AGGM):Ciidamada DFS iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ah ah AMISOM, ayaa Galabta si Nabad ah kula wareegay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Gaadiidka Dagaalka ee Ciidanka Dowladda iyo AMISOM, oo ka yimid dhanka Galbeed, ayaa waxay markii ay galayeen Magaalada wax Iska-caabin ah kala kulmin Kooxda Al shabaab, oo la sheegay in Saakay ay isaga baxeen Degmada.

Taliyaasha Ciidamada Militariga DFS ee Gobolka Hiiraan, ayaa xaqiijiyay la wareegista Buulo Burde, waxaana ay intaasi ku dareen in Ciidamada Huwanta ay ku sugan yihiin Gudaga Saldhiga iyo Xarunta Maamulka Degmada, oo ay wadaan Howlgallo Miino baaris ah.

Dad badan oo kuwa deegaanka ah ayaa la sheegayaa in ay isaga barakaceen Degmada kahor imaatinka Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM, kadib markii ay Al shabaab ay sidaasi ku amreen.

Isha ku hay Allgalgaduud Media 

Allgalgaduud@gmailcom