Dhageyso:Degmada Buurdhuubo oo Al-shabaab lagala wareegay

0

Buurdhuubo(AGGM): Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya  iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa Degmada Buurdhuubo Al-shabaab kala wareegay sida uu Warbaahinta Gal-jubba  u Xaqiijiyey C/rixmaan Axmed Ansari oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo.

Ansari ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay hada si buuxda u maamulaan Degmada Buurdhuubo oo Al-shabaab ay ka Baxeen Degmada.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in Duleedka Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo Ciidmada Dowladda iyo Al-shabaab  ay ku dagaalameen,waxaana uu Xusay in uu san jirin wax Khasaaro ah oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya soo gaaray.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka sargaalkaa Ahlusunna ka tirsan

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com