Garoowe(AGGM): Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo xiray shirka Qorshe-Hawleedka Xukuumadda sanadka hore oo muddo laba maalmood ah ka socday Jaamacadda PSU Garowe.
Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar iyo wasiiradda xukuumadda Puntland ayaa ka qaybgalayay, waxana Maanta Xubnaha Xukuumadda loo kala saaray shan guddi oo mid weliba ka soo shaqeeyeen qodob ka mida shanta dhinac ee Xukuumadda Qorshaha u ah.
Muhiimada aya aheyid mid xooga lagu saarayay sidii lo kordhin lahaa shaqoyinka dowlada Qodobo ka koban sadex ayaa laga so saaray marku dhamaday shirkaas
1-In Wasaarad weliba fuliso Qorshayaasha dowladda waqtiga loo xadiday.
2-In wasaaraduhu isula shaqeeyaan qaabka gudiyadda loo qaybiyay.
3-In Guddi walba soo gudbiyo warbixinta waxqabadka wagtiga loo cayimay.
Madaxweynaha Puntland oo saxaafada la hadlay dhamaadkii ayaa sheegay in si fiican la iskula meel dhigay qorshaha sanadka kowaad ee ay ku hawlgaleyso xukuumaddu, waxana la guda geli doonaa fulinta qodobadda ka soo baxay shirka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com