Muqdisho (AGGM): Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaa dhacaan ka dhacay shir soconayay mudo lix bilood ah kaasoo ugu danbayn la sheegay maamul goboleed in loogu sameeyay gobolada dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya.
Col, Aden Ibrahim Ilyaas oo kamid ah saraakiisha kasoo jeeda deeganada Jubbooyinka ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay wado dhibaatada ka jirta gobolada Koonfureed isla markaana ay kal hore iska hor keentay horjoogaha maleeshiyada Raaskambooni iyo Ciidamada Col Barre Hiiraale, waxa hadda kasocda Baydhabana dowladda ayaa ka dambeeysa oo dadka isku dirtay.
Dhinaca Kale Col Aden ayaa waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu lamid yahay gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaaba si xor ah kumari kara dhamaan deegaanada gobolka Gedo, Axmed Madoobe Kismaayo meelna umma dhaafi karo.
Col. Aden Ibraahim ayaa sheegay inay magaalada Kismaayo ku sugan yihiin Al Shabaab , ONLF iyo Raaskambooni qabiil ahaan isu raacay.
Isku soo wada duuboo Col Aden ayaa waxa kale oo uu sheegay in dowladdan ay tahay mid isku direeyso ummada Soomaaliyeed.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com