Garowe(AGGM):Maxkamadda Ciidammada qalabka sida ee Puntland ayaa Xukun dil iyo xarig isugu jira ku xukuntay eedeysanayaal ka tirsanaa Ciidammada Puntland kuwaas oo lagu eedeeyay inay dil iyo dhac u gaysteen dad rayid ah.
Xeer Illaaliyaha Maxkmadda Ciidammada qalabka sida ee Puntland waxa uu Maxamed Muuse Faarax ku eedeyay inuu 22/1/uu dil u gaystay Marxuum Cabdirashiid Muuse Maxamed,halka Abshir Axmed Muuse ay Maxkamadu ku eedeysay inuu dhac u gaystay dad rayid ah.
Eedeysanayaasha kala ah;- Sharmaarke Cali Xorxore iyo Cabdixakiim Salaad Yaasiin ayaa ku eedeysnaa dilka EEBE ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Salaad Saalim.
Eedeynta Xeer Illaalinta kadib ayaa Gudoomiyaha Maxkmadda Ciidammada qalabka sida ee Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan oo ku dhawaaqay Go’aanka Maxkmada oo kala ahaa in dil toogasho ah lagu fuliyo eedeysaneyaasha dilka horey u geystay,halka kuwa dhaca geystayna lagu xukumay Toban sano oo xarig ah.
Si kastaba ha ahaatee ma ahan Marki ugu horeysay oo ay Maxakamadda Darajada 1aad Ee Cidammada qalabka sida Ee PL Xukunno ku riddo Ciidammo ka tirsan Puntland oo danbiyo ka gala dadka Shacaka ah.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com