Xudur (AGGM): Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegay in maleeshiyada falaagada Al-Shabaab ay ka baxeen degmada Xudur ee xarunta gobolka.
Ka bixitaanka Al-Shabaab ee Xudur ayaa ka dambeysay kaddib markii la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin magaalada.
Goobjoogeyaal ayaa Warbaahinta u xaqijiyay in maleeshiyada Al-Shabaab ay u dhaqaaqday dhinaca degmada Waajid ee isla gobolka Bakool.
Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa la sheegay inay iyaguna ka baxeen magaalada iyagoo ka cabsanaya in lagu dagaallamo gudaha magaalada.
Ilaa hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiiinta maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aaddan ka bixitaanka falaagada Al-Shabaab ee Xudur.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com