Dawladda ” Deg Deg Baan Ula Wareegeynaa Dekadda & Garoonka Kismaayo”.

0

Muqdisho(AGGM) Cabdulaahi Goodax Bare oo ah wasiirka arrimaha gudaha & arrimaha federaalka dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysa heshiiskii dawladu hore ula gashay Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana uu wasiirku sheegay in la gaaray xilligii dawladu si deg deg ah ula wareegi lahayd dekadda Iyo garoonka.

Wasiirku waxaa uu daboolka ka qaaday in dawladu ay hadda diyaar u tahay inay la wareegto gabi ahaan maamulka dekadda iyo garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo,waxaana uu sheegay in heshiiskii uu dib u dhac ku yimi balse hadda laysku raacay in dawladu la wareegto dekadda iyo garoonka kismaayo.

Joodax waxaa uu shaaciyey in  Horjoogaha Maleeshiyaadka Raaskambooni lagu amray inuu hogaansamo heshiiskii Addis Ababa,waxaana uu shaaciyey in dawladda Itoobiya oo gar wadeen ka ahayd heshiiskaasi ay ku amartey inuusan ka leexan qodobadii lagu heshiiyey,waxaana uu wasiirku sheegay in dawlada soomaaliya iyo itoobiya arrimahaasi ka wada hadleen isla markaasna laysku raacay in dawladu la wareegto goobihi loo cayimay.

Ugu dambeyntii Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni waxaa soo wajahay caqabad baahsan markii dawladda itoobiya si cad ugu sheegtey inay u hogaansamaan heshiiskii lagu kala saxeexday Magaalada Addis Ababa,waxaana lagu wadaa in dawladu dhawaan la wareegto dekadda Iyo garoonka magaalada kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com