Baydhabo(AGGM) Maxamuud Sayid Aadan oo ah siyaasi ka soo jeeda Gobolladda Gedo, & Jubooyinka ayaa maanta loo doortey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana Maxamuud Sayid Aadan ka mid ahaa Siyaasiyiin ku dadaalayey in Maamul loo dhan yahay laga dhiso lixda gobol ee Koonfur galbeed ee dalka soomaaliya.
Doorashada Madaxweyne ku Xigeenka ayaa u dhacday si gacan taag ah, waxaana jirin cid kula tartantay Maxamuud Sayid Aadan Xilkaan Madaxweyne ku xigeen ee Koonfur Galbeed.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com