Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ruushka (SAWIRO)

0

Muqdisho 03 Maarso 2014 – Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Ruushka Mr Valery Orlov. 

Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. “ Dowladda Ruushka aad iyo aad bey ugu faraxsantahay in maanta xiriirkii taariikhigaahaa ee Soomaaliya iyo Ruushka uu dib u bilowdo. Dowladda Ruushka ayaa diyaar u ah inay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka.” Ayuu yiri Safiirku.

Sidoo kale Safirka ayaa ballan-qaaday in Dowladda Somaaliya ay Dowladiisa ka caawin doonto arrimaha horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “ Waxaan uga mahad-celinayaa dalka Ruushka inay safiir u soo diraan Soomaaliya, waana ku faraxsanahay in Ruushka uu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado shaqo ama tababaro ama deeq waxbarasho. Caalamkuna waxey kalsooni ku qabaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagtay, isla markaana uu dalka u gudbay marxalad horumarineed.”

Ugu dambeyntii Madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay dowladiisa si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto xilkiisa loo soo igmaday.

995855_714370298583621_2090022462_n 1601340_714370135250304_1787260551_n 1656101_714370255250292_904616599_n 1798070_714370215250296_1565168859_n 1888668_714370051916979_1082233155_n 1901398_714370271916957_1389165660_n 1982333_714370191916965_1648370940_n 10001301_714370118583639_1201090639_n

DHAMAAD

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com