Muqdisho (AGGM):Kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayay kalsoonidii kala laabteen Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Karanle ee kalsoonida kala noqotay Madaxweynaha DF Soomaaliya.
Mid kamid ah Xildhibaanada oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay si gaar ah kalsoonida ugala noqdeen madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku eedeeyeen inuu sameeyay cadaalad daro.
Wasiir u dowlihii hore ee Wasaarada arimaha gudaha Xukuumadi R/wasaare Saacid Shirdoon, Gacal oo kulankaasi ka hadlay ayaa ku dhaliilay hogaanka sare ee dowladda inaysan siin beeshooda wax tix galin ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com