Doolow (AGGM): Magaalada Doolow ee Gobalka Gedo waxaa lagala wareegay Maamulkii hore si xog ah waxaana la wareegay Maamul Cusub ka dib marki shacabka Magaaladaasi ay ka carodeen Bahdil lagu sameyay Gudomiyihii talada laga tuuray ee Cabdirashiid janan.
kadib Shirar shalay ila xalay u socdan Odayaasha iyo waxgaradka doolow ayaa waxaa lagu go,aamiyay in maamulka dagmada lagu wareejiyo EX xildhibaan Cali Xasan Deer oo ay horay xurguf uga dhaxaysay Cabdirashiid janan.
ka dib go,anka odayaasha waxaa guud ahaan Maamulki Magaalada la wareegay Ex Xildhiban Cali Xasan Deer.
Dhanka kale Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya waxaa ku sugan Gudomiyihii taalada laga tuuray ee Cabdirashiid Janan waxaana uu shalay ila iyo Xalay shirar la lahaa besha Kablalax oo uu ka codsanayay in ay dib ula qabtan Dagmadi faraha ka baxday.
Isku soo wada duubo Cabdirashiid janan waxaa ku dhacay waxbadso waxbeel waxana shaqsiga manta heerkaan maraya uu bil ka hor ahaa hogaamiyaha logu jecel yahay Gobolka Gedo mantana wa Cado qaate bananka yaal oo aan wax sameyn ah ku dhex lahayn Beesha iyo Gobolkaba Ilahay ma duliyo qom aan ayagu is duleyn.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com