Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia:

0

Addis Ababa (AGGM): Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kula kulmay magaalada Addis Ababa Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Dr. Tedros ayaa joogay iyo diblumaasiyiin, waxana Madaxweyne Gaas wehelinayay wasiiradda Arrimaha gudaha iyo warfaafinta Puntland, taliyaha ciidamada iyo saraakiisha Madaxtoyada.

Ra’iisal wasaare Desalegn ayaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland dalka Ethiopia, waxana ay ka wada hadleen xoojinta xiririka nabadgelyo midka ganacsiga iyo weliba kan siyaasadeed ee soo jireenka ah.

Labada dhinaci waxay isla qaateen in khatarta ugu wayn Geeska Afrika ay tahay kooxda Al-shabaab, waxana la isla meel dhigay in si wadajir ah loogu kaco dagaalkooda iyadoona lagu heshiiyay xiriirka nabadgelyo inuu noqdo mar weliba mid joogto ah.

Horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga labada dhinac gaar ahaan dhinacyada tababaradda iyo kor u qaadidada tayada hay’adaha dowliga ah ayaa sidoo kale kulankan labada masuul uga wada hadleen.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa u kicitimi doona xarunta dowlad deegaanka Somaalida Ethiopia ee Jigjiga halkaasi oo casumaad uu ka helay madaxweynuhu dhigiisa.

gaas

—Dhamaad—

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com