Muqdisho (AGGM); Iyadoo Magaalada Muqdisho muddooyinkaan dambe ay kusoo bateen falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka caasimada, ayaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ka hadlay habka ugu haboon ee ammaanka lagu sugi karo.
Xildhibaan Cusmaan Aadan Dhuuboow oo kamid ah Golaha Baarlamaanka dalka, ayaa wuxuu sheegay in sida ugu haboon ee lagu sugi karo ammaanka caasimada ay tahay in la tayeeyo Hay’adaha ammaanka Dowladda Soomaaliya uqaabilsan.
Mr Dhuuboow, ayaa wuxuu ku taliyay in la raadiyo ragii hore ee ciidanka ka tirsanaan jiray ee qibradaha la fadhiya, taasi oo uu ku sheegay in xilligan ay tahay mid lagama maarmaan, maadaama ay yihiin aqoonyahano dhanka ciidanka ah.
Saraakiisha cusub ee dhanka ammaanka ayuu sheegay in hada ay suuragal tahay inaysan laheyn khibrado badan oo dhanka ammaanka ah, balse marwaliba ay muhiim tahay waayo aragnimada dhanka ciidanka ah, ayna wanaagsan tahay in la raadiyo saraakiishii hore ee dhanka ammaanka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa hada la kulmaysa dhaliilo kala duwan oo kaga imaanaya dhanka Shacabka iyo Indheergaradka Soomaaliyeed, taasi oo ku aadan hanaanka sugidda ammaanka Caasimada.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com