Warbixin Kusaabsan Xaaladda Waxbarasho ee Gobolka Gedo W/D Maxamed Cabdinuur.

0

Alle ayaa mahad oodhan iskaleh, rasuulkana korkiisa ha ahaato nabadgelyo iyo naxariisn, warbixintaan waxaanu ku eegaynaa waxbarashada gobolka Gedo waxaanu soo bandhigaynaa xogta waxbarasho dhabta ah ee ka jirto gobolka.

Waxabarshadu waa shay lagama maarrmaan u,ah bini,aadamka aqoon.la,aan umadi ma jiri karto gaar,ahaan hadaan muslim nahay ilaahay wuxuu na siiyey nimco midii ugu waynayd waa diinta islaamka,

Qofkaste oo muslim ahna waxaa waajib ku ah inuu wax barto oo ay ugu horayso ilaahay sidii uu u caabudi lahaa , iyo sidii inta uu aduunyada joogo u ahaan lahaa qof cisaleh oo noloshiisa dabaro, labadaas arimoodna waxay ku xiran yihiin awalan inuu leeyahay aqoon ku filan hadba waxa ku waajibayo iyo sida uu qofku u maaraynayo noloshiisa xag aduun iyo xag aakhiro.

Waxbarashada aanu ka warbxinayno waa midda lagu barto madarasada inidaamiga,ah iyo iskuulada oo kaliya waxaana usoo bandhigaynaa qaab,ah inaan degmo kaste sigaar,ah uga warbixino xaaladeeda waxbarsho oo kooban.

Garbahaarey.

Waa caasimada goblka gedo, waxayku taalaa bartamaha gobolka, waxay leedahay afar iskuul sadex iskuul oo ah dugsi hoose dhexe, iyo haldugsi sare, dugsiyada hoosedhexe labo kamid,ah waxaa samaystay dadka dagan deegaanka iyaga ayaana maamulo oo gacanta kuhayo, manhajka lagu dhigo labada iskuul waxay ku baxaan luqada carabiga iyo engilshka waxaana lagu bartaa culuumta islaamka iyo mida maadiga,ah labadaba.

Dugsiga hoose dhexe ee sedexaad waxaa gacanta ku hayo hay,ad ajnabi,ah oo layiraahdo NCA manhajka lagu bartaana wuxuu intiisa badan ku baxaa afsoomaali.

Dugsiga sare waxaa la yiraahdaa Amiir-nuur secondary school. Waxaa aasaasay urur local,ah oo la yiraahdo SEDO, wuxuuna iskuulku hoostagaa mu,asaso waxbarsho oo hayso iskuulo badan oo deegaanka ka jirto magaceedana la yiraahdo: Mu,asasada waxbarshada iyo horumarinta ee Al-qalam, baahida aasaasiga ahee iskuuka sida mushaarka maclimiinta, iwm waxay ka timaadaa inteeda badan qarashka laga qaado ardada iyo hay,adaha SEDO iyo NCA oo macalimiinta mushaarkooda kabo dhismaha uu iskuulku leeyahayna wada dhisay.

Beledxaawo.

Beled xaawo waxaykamid tahay magaalooyinka gobolka kuwa oogu dadka badan waana magaalo istiraatiiji xaga ganacsiga iyo socdaalka safarada, waxay xadbeenaadka lawadaagtaa: keenya iyo Itoobiya, magaalada waxay leedahay sadex iskuul oo dugsi hoose dhexe ah mana lahan magaalada wax dugsi sare,ah machadna warkiisa daa.

labo kamid,ah iskuulada waxaa gacanta ku hayo, hay,ad local,ah oo bajatka ka hesho hay,ad ajnabi.,ah oo hada kahor gacanta ku haynjirtay iskuuladaas, manhajka lagu dhigo waa soomaali, iskuulka sadexaad waxaa abaabulay dadka magaalada dagan iyo jaailyadaha dibada ee u dhashay deegaanka iyaga ayaana gacanta ku hayo, manhajkiisuna wuxuu ku baxaa carabi iyo english.

Baardheere.

Waa magaalada oogu dadka badan gobolka, waana magaalo leh dhul beereed aad u balaaran waxaa maro wabiga Jubba, waxaa ku yaallo magaalada labo iskuul oo ah dugsi hoose dhexe ilaa sare mid waxaa gacanta kuhayo hay,ad lookal,ah oo loo yaqaano: Hirda.

kan labaadna waxaa la yiraahdaa: Markableey oo ay samaysteen dadka deegaanka kunool iyagoo taageero kahelayo jaaliyada dibada maamulkiisana waxaa gacanta ku hayo gudi ka mid,ah aasaasayaasha iskuulka.

Waxaa kale oo magaalada leedahay dhismo dhawaan ladayactiray oo loogu tala galay in laga furo UNIVERSITY OF GEDO. Hadana waxaa ka furan machad hordhac u,ah jaamacada laguna barto. compiyuutarka, maamulka, caafimaadka iyo luqadaha.

Luuq.

Magaalada luuq waxay kamid tahay magaalooyinka oogu faca weyn gobolka, waxaana maro wabiga JUBBA, waxay leedahay dhulbeereed aad u wanaagsan.

Waxaa magaalada ku yaalo sadex sikuul hoose dhexe labo kamid,ah manhajka wuxuu ku baxaa afsoomaali waxaana gacanta ku hayo hay,ad loocal,ah oo taakulo kahesho hay,adaha ajnabiga,ah, kansadexaadna waxaa lagu dhigaa manhajka keenya, waxaa kaloo dhawaan laga furay dugsi sare waana biloow wali siwanaagsan aanan uhirgalin.

Ceelwaaq.

Waa degmada shanaad ee gobolka waxayna kutaalaa xuduuda soomaaliya iyo keenya, waxay leedahay hal sikuul oo dugsi hoose dhexe,ah oo ay sameeyeen

jaaliyada dibada ee deegaanka u dhashay, manhajkiisuna wuxuu ku baxaa afsoomaali.

Dooloow.

Dooloow waa degmada lixad ee gobolka waxay xad beenaadka lawadagtaa itoobiya, waxaa maro wabiga magaciisa la yiraahdo Daawo, waxay leedahay hal iskuul oodugsi hoosedhexe ,ah waxaana gacanta kuhayo hay,ad lookal,ah oo bajatka ka hesho hay,adaha ajnabiga,ah ee waxbarshada ka shaqeeyo manhajka lagu dhigaana wuxuuku baxaa afsoomaali.

Buurdhuubo.

Waxay kamid tahay Degmooyinkii ugu danbeeyay ee ey aqoonsatay Dowladii U danbeysay ee Soomaaliya, waxa maro wabiga JUBBA, waxay leedahay labo iskuul dugsihoose dhexe,ah, iyagana sidookale waxaagacanta ku hayo hay,adaha ajnabiga,ah ee waxbarshada ka shaqeeyo iyo kuwa lookalka,ah ee bajatka kahelo kuwa ajnabiga,ah.

Waxaa kaloo jiro tuulooyin aad u farabadan oo ay ka socoto waxbarasho intooda badana waxaa gacanta ku hayo hay,adaha ajnabiga,ah iyo kuwo lookal,ah oo ka helo bajatka hay,adaha UNka.

Waxaa jiro tuulooyin waaweyn oo iskuulo leh sida :

Ceelcade.

Waxey 60km dhanka koonfurgalbeed kaga beegantahay Xarunta Gobolka ee Garbahaarey, waxay leedahay iskuul dugsi hoosedhexesare,ah waxaana gacanta ku wada hayo hay,ad ajnabi,ah iyo jaaliyada dibada oo si weyn u taakuleeyo.

Tuulobarwaaqo.

Waatuulo weyn oo 18km dhanka waqooyi kaga beegantahay Garbahaarey, waxaa ku yaalo labo dugsi hoose dhexe, midkamid,ah waxaa samaystay dadka magaalada dagan iyagaana hada gacanta ku hayo. Kan labaadna waxaa gacanta ku hayo hay,adaha ajnabiga,ah ee ka shaqeeyo waxbarashada.

Waxaa kaloo jiro tuulooyin aad u farabadan oo ay ka socoto waxbarasho intooda badana waxaa gacanta ku hayo hay,adaha ajnabiga,ah iyo kuwo lookal,ah oo ka helo bajatka hay,adaha UNka.

Tayada iskuulada.

Inta badan iskuulada aanu soo sheegnay malahan tayo wanaagsan marka laga reebo kuwo faro kutiris,ah, kuwa qaarkoodna waxaa la orankaraa magaca uunbay iskuul kala wadaagaan, kuwa tayadoodu liidato waxaa u badan kuwa ay hay,adaha ajnabiga,ah iyo kuwa lookalk,ah gacanta ku hayaan, sababaha keenayna tayo xumadana waxaa kamid,ah

1.Mas’uuliyad xumo ka jirto hay,adaha maamulo iskuulada, waana arin baahsan oo haysato dhamaan hay,adaha noocaas,ah.

2.Macalimiinta oo ah kuwo aad u tayo hooseeyo xaga aqoonta iyo xagmus,uuliyad labadaba.

3.Iskuulada noocaas,ah oo macalimiinta dhigto lagu qaybsado hab beeleed, ee aan loo eegin inta badan yaa macalim sax ah,

Tusaale: waxaa ka dhacday mid kamid ah tuulooyinka Gobolka arin layaableh, macalim macalimiinta tuulada ka mid ahaa ayaa maamulkii iskuulka usoo gudbiyey in heerkiisa aqooneed inta uu gaarsiisnaa uu ardada baray oo ay ka dhamaatay xisaabtii uu yaqaanay oo wuxuu yiri:

Anigu waxaan aqaanay ilaa uqaybi aradiina way barteene maxaan falaa, markaa ayuu maamulihii kuyiri: nin weyn oo waaya arag,ah ayaad tahaye ardada maaweeli. Qisooyinkaas iyo kuwo lamid ah ayey latacaalayaan ree Gedo .

4.Mushaarka macalimiinta la siiyo oo aad u hooseeyo, taasna waxay keenaysaa in macalimku markii ay ku filaanwaydo uu waqtigiisii qaybsamo oo uu raadsado shaqo kale oo uu waxku kororsado, tusaale macalimka waxaa la siiyaa: $50 ilaa $60, maamulahana $70.

Waxaase in la iswaydiiyo mudan hadii hay’adii ajnabiga ahayd intaa ubadkeenii oogu deeqday maxay waalidiinta aradada dhalay oogu kordhinwaayeen mushaarka ay macalimiinta qaataan ?

Waxa waxlabarayo soo ubadkoodii maahan ?. !!!!!

Taa inay dhacdo iskaba daaye waxaa tuulooyinka qaar laga sheegaa in waalidka ubadkiisa u diido inay sikuulka aadaan maxaa yeelay macalin hebel oo ree hebel ah ayaa waxkadhigo.

Waxaa xusid mudan hay’adaha iskuulada hayo intooda badan waa hay’ado lacago badan ku bixiyo mashaariicda kale, hadiise hay’adii ajnabiga ahayd intaa ubadkeenii u qabatay ani say ila tahay wayku mahadsan yihiin laakiin soo ma fiicnayn in raga maamulo hay’adaha oo ah inta badan kuwa fuliya mashaariicda ay ku baxdo lacagaha badan degaankane kasoojeeda inay iyagu macalimka u kordhiyaan mushaarka?.

5.Hadii macalim ka tago shaqada, booska uu ka tagay waxaa xaq u leh qoyskii uu ka dhashay oo keensanayo qofkale, hadii qoysku uu waayo qof shaqadaas qaban karo siyaabo kala duwan ayaa wax loo xaliyaa iyadoo maamuluhu kala shaqaynayo arinkaan ilaa ma diidikaree oo shaqada maamulanimo ayuu kuwaayi karaa .

Waxaa dhacdo mararka qaar in booskii uu buuuxiyo qof aanba macalim noqonkarin sidaa awgeed maamulaha ayaa xalkeenayo sida inuu dhaho xafiiska iyo sikuulka waxka xaaq mararka qaarna waxay la heshiinayaan qof meeshii buuxin karo mushaarkana waaloo kalabarayaa.

6.Maamuluhu ma xukumi karo macalimiinta xiligii uu doono ayuu shaqada soo galayaa amaba ka baxayaa, fasaxa dheerna aad ayuu u badan yahay oo waxaaba dhacdo in macalimiinta ay heshiiyaan oo marba qaar ay danaystaan.

7.Waqtiga ardaygu iskuulka ku qaadanayo oo aad uyar maalinkiina labo ama oogu badnaan sadex xiso kabadan ma helaan ardada.

8.Iskuulada noocaan ah oo intooda badan ku eg dugsi hoose kuwa qaarna ilaa dhexe.

Warbixintaan kooban ee aanu kaga hadaly waxbarashada Gobolka waa xaalada dhabta ah ee waxbarasho ee uu gobolka ku suganyahay, mana aha mid uqalanto gobolka ama tirada iskuulada ha ahaato ama tayadooda ha ahatee, wixii aanu ka tagnay waxay uun noqonkaraan tiro iskuullo ah oo aanan sheegin.

Hadaba waxaa iswaydiin mudan maxaa waxbarashada gobolka saan u galay iyadoo la wada ogyahay inuu gobolku leeyahay khayraad dabiici,ah iyo istaraatiijiyad ganacsi labadaba oo sare loogu qaadi karo waxbarshada gobolka.

Hoos,udhaca gobolka ka jiro waxbarashada kaliya kuma koobna ee waxyaabaha aasaasiga nolosha oo dhan ayaa sidaa u wada hooseeya sida: caafimaadka, dhaqaalaha, nabadgalyada, garsoorka iyo maamulka.

Khayraadka iyo istiraatiijiyada Gobolka.

Hadaba gobolku wuxuu leeyahay khayraad badan oo suuro galinaya in la hormariyo, Gobalka Gedo waa gobalka labaad ee ugu weyn soomaaliya xaga masaafada dhulka, gobolku wuxuu kuyaalaa koonfurgalbeed soomaaliya wuxuu xadbeenaadla leeyahay Keenya iyo Itoobiya wuxuu ka kooban yahay lix degmo iyo tuulooyin aad ufara badan, gobolku wuxuu leeyahay khayraad faro badan oo dabiici ah .

Beeraha.

Sida lawada og yahay beeruhu waxay ka mid yihiin baahida aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u,ah aadamaha meelo badan oo qur,aanka kariimka kamid ahna ilaahay wuxuu bini,aadamka oogu manasheegtay beeraha iyo miraha uu na siiyey oo ah nimco aad u weyn.

Waxaa maro wabiga loo yaqaano JUBBA oo ah wabiga oogu wayn Soomaaliya xaga baaxada wuxuu ka maraa gobolka dhamaan dhiniciisa waqooyi bari ilaa laga gaaro dhinaca koonfureed qaybo kamid,ah oo ah masaafo aad u balaaran, inta badan dhulka uu maro waa dhul ku wanaagsan beerashada, waxaakaloo oo dhanka waqooyi ka maro wabiga Daawo. Waxaa gobolka gudihiisa aad oogu badan carada ku wanaagsan beerashada xiliga ay da,aan roobabka ee loo yaqaano Adablahha.

WABIGA JUBBA

Adabluhu waa dhul aad ugu fiican beerashada xiliga roobabku da,aan waxaana caanku ah dhulka noocaas ah Gobolka Bay oo ah gobolka soomaaliya oogu waxsoosaarka badan xaga miraha quutaldaruuriga ah sida Galayda, haruurka , iyo digirta .

Nasiibdaro biyaha wabiyada maro gobolka iyo dhulkaas aanu ka soo sheekaynay ee ku wanaagsan beerashada sidii loobaahnaa loogama faa’iideysan

Xoolaha.

Gobolku wuxuu leeyahay xoolo aad u farabadan oo isugujiro sedexda nooc ee inta bada la dhaqdo sida: Geela Ariga iyo lo,da. Wuxuu kaloo leeyahay dhul aad u balaaran ooku fiican xaga daaqa ama geedaha ka baxo ha ahaato ama carosan nimadiisa ha ahaatee waana dhulka kaydka fogleh leh ee adkaysiga leh markay abaaruhu dhacaan. Gobolka wuxuu leeyahay istiraatiiji xaga ganacsiga ah oo aad u wanaagsan wuxuuna xadbeenaadka lawadaagaa kenya iyo itoobiya

Jaaliyada dibada.

Markii ay burburtay dawladii dhexe ee soomaaliya waxaa dalka dibadiisa aaday soomaali aad u fara badan, oo u badan dadkii ree magaalka ahaa, si weyna uga qaybqaatay dhismaha wadankii ay ka soo tageen iyo horumarintiisa waxaana la orankaraa inta badan waa jaaliyadaha dibada waxa sameeya waxbarshada iyo horumarinta wadanka,

sidookale dad badan ooku nool wadanka waxay noloshoodu ku tiirsan tahay si boqlokiiba boqol,ah qaraabadooda dibada u xoogsi tagay, waxayna jaaliyadaha dibada ka mid yihiin khayraadka wadanka ee sida weyn umadu ugu tiirsantahay,

hadaba jaaliyada geoblka u dhashay waxay kamid yihiin jaaliyadaha oogu badan soomaalida, laakiin sidii loo baahnaa kamaysan soo bixin kaalintii laga filayey kamana aysan qaybqaadan waxbarashada gobolka, marka laga reebo tiro aad u yar oo u istaagay qarab-qabashada walalhooda dhibaateysan

Maxaa sababay hoos u dhaca waxbarasho iyo guuldarada ku habsatay gobolka.

Hoos udhaca gobolka ee xaga waxbarashada, waxaa sababay arimo badan oo iskaashaday waxaana oogu mihiimsan arimahan:

1.Dagaalada macno la,aan,ah oo soo noqnoqday oo u dhexeeya dadka walaalah,ah ee wada degan, kuwaasoo ay huriyaan kuwa isku sheego inay qabaa,ilka xukumaan xaga siyaasada iyo xaga Odayada Dhaqankaba.

2.Dadka madaxda,ah ee sheegto inay dadka xukumaan xag siyaasadeed iyo xag dhaqanba oo ah dad aad u hooseeyo intooda badan aqoonna aan u lahayn dawrka ay umada uga jiraan danna aan ka lahayn danaha caamka,ah ee umada ay Hogaamiyaan , amaba aan aqoon u lahayn mas,uuliyada ay hayaan.

3. Dadka aqoonyahanka iyo waxgaradka u badan oo aan ku qanacsanayn kunoolaanshaha iyo daganaanshaha Gobolka,

Tusaale ahaan xataa aqoonyahanka ay danihiisa dhaqaale ku xiran yihiin deegaanka sida dadku u shaqeeyo hay,adaha ajnabiga,ah, iyo kuwa Maxaliga ahba ee ka hawlgalo gobolka intooda badan wayka guuraan gobolka waxaa xusid mudan intooda badan ilmahooda eysan u quurin inay iskuulada wadanka ka jiro ay dhiktaan ee waxay geystaan iskuulada wadanka kenya.

4.Jaaliyadaha dibda ku nool ee gobolka u dhashay oo aan kasoo bixin kaalintii ay umada uga baahnayd sida ay sameeyaan jaaliyadaha u dhashay gobollada kale.

5.Iskuxirnaanla’aan ka dhaxayso dadka tirada yar ee ku nool gobolka ee ku baraarugsan mugdiga iyo dib u dhaca jiro.

6.kunool gobolka inteeda badan oo ay hayso wacyi xumo iyo baraarugla,aan aananba ku baraarugsanayn inay wax ka halaysanyihiin.

Xalku muxuu yahay Sideense uga bixikarnaa dhibaatada nahayso.

1.Dadka aqoonyahan ka ah, ee u dhashay gobolka kuna nool degaanada kale ee dalka iyo waxgaradka oo go’aan ku gaaro inay gobolka yimaadaan oo ay ku tashadaan ka shaqaynta horumarka gobolka.

Waxaanu wada ognahay deegaanada ay hada ku noolyihiin inuu la mid yahay gobolkooda horumarka ka jirana ay gaarsiiyeen dad iyaga lamid ah oo tashaday.

2.Dadka dibada aaday ee deegaanka u dhashay ee gaarayo kumanaanka ruux oo usoo jeesto horumarinta gobolka iyagoo talaabooyin muhiim,ah qaadayo. Sida: inay taageeraan baahiyada aasaasiga ah, sida; waxbarashada oo aad uliidato,iyo wacyi galinta dadweynaha, iyo inay badiyaan booqashada gobolka iyagoo dadka baraarujinayo una samaynayo kulamo guud iyo kuwo gaar ahba.

3.In la dhiiri galiyo waxbarshada gobolka hada ka socoto ee aasaasiga,ah iyo kuwa dugsiyada sare iyadoo waaqaca waxbarasho ee gobolka kajiro lagu xisaabtamayo,

Tusaale: inbadan oo jaaliyada dibada kunool waxaan kamaqalnaa jaamacada gobolka gedo, ma xumo waa,isku day wanaagsan laakiin waa,in marka hore la hormariyaa lana badiyaa iskuulada gobolka si loogu helo ardo jaamacadda waxka barato hadaan saa la yeelina waxaa la gaari doonaa iyadoo jaamacadii la diyaariyey inla waayo ardo dhigato halkaasna uu ka dhaco niyadjab lagu kalatago.

4.Inla furo macaahid diineed iyo kuwa maadiga ahba.

5.In laqabto saminaaro, dawrooyin, iyo dood cilmiyeed looga hadlayo waxbarshada iyo qiimaha ay leedahay dal iyo dibadba.

6.In dadka cilmiga leh sida culimada diinta, aqoonyahanka,dadka magaca kuleh bulshada dhexdooda ay baraarujiyaan bulshada

7.In inagoo isku duuban dowladda federaalka Soomaaliya aan ka raadsano xaqa aan kuleenahay deeqaha waxbarasho ee dowlada lasiiyo iyo waliba saamigayaga ku aadan barnaamijkii aada dugsiyada ee dowladdu ku dhawaqday aan ka qaadano inagoo arinkaasne kula xisaabtameyno mudanayaasha baarlamaanka nioogu jiro ree gedo ahaan .

8.Ugu danbayn waxaan marlabaad kucelinayaa in aqoonyahanku yahay lafdhabarka umada la,aantoodna umad ma jiri karto mana gaarayso horumar, sidaa darteed waa inay ogaadaan dadka aqoonyahanka,ah ee u dhashay gobolka in waajib cayni ah uu saaranyahay ilaahayna kala xisaabtamayo nimcada uu siiyey sidii ay u maamuleen. gaar,ahaan waxaan u sheegaynaa dadka aaminsan inay yihiin dadka aqoonyahankooda ee u shaqeeyo hay’adaha ajnabig,ah ah ee ka shaqeeya goblaka iyo kuwa leh NGO’yada Maxaliga ah ee markay wax helaanba isaga guuro gobolka inay dhaqankaa foosha xun joojiyaan oo walalahood u baahan cilmigooda iyo maalkooda aysan ka fogaan umadana iyagoo horkacayo u adeegaan.
Wabilaahi al-towfiiq

Waxaa warbixintaan ururiyey iskuna duba riday:

Maxamed Cabdinuur Maxamuud
Shaafici121@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com