Muqdisho (AGGM): Prof. C/laahi Axmed Cadoow oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, ayaa si kulul wuxuu uga hadlay weerarkii Madaxtooyada Soomaaliya Jimcihii ay ka geysteen Al-Shabaab, halkaasi oo ay ku dileen rag badan oo Dowladda ka tirsan.
Prof.C/laahi Axmed Cadoow oo isaga oo ku sugan Mareykanka Wareysi siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu isweydiiyay sababta fududeysay in weerar culus lagu qaado Madaxtooyada Soomaaliya oo ah xarunta dalka looga arimiyo.
Wuxuu sheegay in Madaxtooyada laga soo weeraray dhanka Wardhiigleey, isaga oo xusay in isweydiin mudan tahay halka ay aadeen ciidamadii ilaalada ka ahaa xarunta madaxtooyada dhanka 15-May xigta markii weerarka uu dhacaye.
Siyaasi C/laahi Axmed Cadoow, wuxuu kaloo sheegay inaysanba jirin wax kale oo haray kol hadii Shabaab ay damaaciyeen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ay weerar culus ka geysteen dad badana ay halkaasi ku laayeen, isaga oo sheegay in masuuliyiinta ammaanka Soomaaliya ay baneeyaan kuraasta hadii ay amniga wax ka qaban waayeen.
Xaalada ammaan ee hada ka jirta Magaalada Muqdisho ayuu ku sifeeyay inay tahay mid Qatar badan kol hadii Madaxtooyada dalka looga taliyo Shabaab ay weerar ka geysteen.
Al-Shabaab oo weerarkaasi ka hadlay waxa ay sheegeen inay ku dileen ku dhawaad 50-ruux oo ay ku jiraan saraakiil Uganda iyo Jabuuti udhashay, iyagoo sheegay inay dhaawaceen 58-ruux oo ciidan iyo masuuliyiin isugu jira.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com