Kismaayo(AGGM) Horjoogayaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa la shaacinayaa inay labadii habeen uu dambeeyey u hoyanayeen duleedka Magaalada Kismaayo gaar ahaan nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay la wareegeen ciidamada dawlada Siraliyoon.
Talaabadan ayaa la sheegayaa inay sababtey inay cabsi baahsan la soo deristo iyo kala tuhun soo kala dhexgalay iyaga,waxaana wararku sheegayaa in cabsida ugu badan ay ka qabaan ciidamada ilaalada u ah oo badankoodu ka tirsanaan jireen Maleeshiyaadka kale ee Alshabaab.
Cabsidan la soo deristey Horjoogayaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni isla markaasna laga soo daad gureyey Gaarisa Gubaay & Kilinka 5-aad ayaa la sheegayaa inay tahay inay heleen warar sheegaya in qaarkood ay dili doonaan ilaaladooda ama weeraro qorsheysan Alshabaab la soo beegsan doonaan.
Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ee labadii habeen u dambeeyey ku hoyday Banaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxaa ka mid ah Axmed Madoobe, Jeneraal Darwiish,Jeneraal Fartaag & kuwo kale oo badan,waxaana la sheegayaa inay cabsidoodu soo badatey ka dib dilkii Ciise Kambooni & weerarkii Alshabab ku qaadeen Madaxtooyadda Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Horjoogayaasha Raaskambooni ayaa la sheegaya inaysan awood buuxda u lahayn inay gudaha u galaan Magaalada Kismaayo,waxaana ay ka cabsi qabaan in Maleeshiyaadka kale ee Alshabab weeraro ku qaadaan,waxaana ay cabsida ugu daran la soo daristey ka gadaal markii Alshabaab gudaha Soomaaliya ka fuliyeen weeraro laga yaabay qorsheyntooda.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Kismaayo,Soomaaliya
Allgalgaduud@gmail.com