Muqdisho (AGGM): Dowladda uu Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasi oo ahayd goobtii ugu amniga badnayd magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa shaki ka muujiyay Amniga Caasimada kaddib markii Madaxtooyada, waxaana dowladda Soomaaliya bilowday durba tilaabooyin looga hortagayo falalka ay samaynayaan Kooxaha Al-shabaab ee kasoo horjeeda Nidaamka dowliga ah.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad Guddoomiyaha Beelaha Muqdisho oo la hadlay Warbaahinta ayaa walaac ba’an ka muujiyay feejignaan yarida madaxda sare ee dowladda ka haysta amniga.
Nabadoonka waxa uu tibaaxay inay talada shacabka iyo waxgardka ugudbinayaan ay ka dhago fureysato dawlada Somaliya taasi oo sahashay in cadowgeeda iyo dadka caadiga ah ukala soocnaan waayaan.
Isku soo wada duuboo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa cod dheer sheegay inay taladii ay soo baahin jireen ay ka dhamaatay maadama aysan waxba kasoo qaadeynin dawladii fariinta ugudbinayeen.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com