Mogadishu, 24 February 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir-gudoomiyey shirkii Guddiga Sare ee Wadashaqeynta (High Level Partnership Forum). Waxaana goob-joog ka ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicolas Kay, Wasiiradda, Arrimha Dibadda, Ammaanka, Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somaaliya, Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya, Madaxweynaha Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Wakiil ka soacdy maamulka KMG ah ee Jubba, Ururadda Bulshadda Rayidka, Safiiro iyo Wakiilo ka socday Wadamadda Caalamka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkii ugu dambeyey ee Alshabaab. Madaxweynaha ayaa yiri “waxaan si taxadar leh idinkaga codsanayaa in falalkan aysan na niyad jabin. waana kuwo ay kooxahan uga dan-leeyihiin inay caalamka tusaan in fSoomaakiya ay burburtay. taasna sax maaha.”
“Qof kasta oo idiinka mid ah wuu og-yahay Horumarka ballaaran ee aan labadii sano la soo dhaafay sameyney. Waana sababta aan halkan isagu nimid si aan uga hadalno sidii aan u horumarin laheyn Amniga, siyaasadda, Isla markaana aan waddanka u kobcin laheyn dhaqaalaha iyo horumarka dalka. ”
Madaxweynaha oo ka hadlayey Warbixinta QM ee Cunaqabateynta Hubka ayaa yiri “dowladdu wey la shaqeysey Kooxda QM oo aan tusnay wax walba oo ay rabeen. Jawaab baan u qornay Golaha Ammaanka oo aan kaga jawaabnay dhammaan eedaha aan saxda aheyn, oo ay habbooneyd inay marka hore noo soo gudbiyaan si ay u helaan jawaabteena oo ka hortagi laheyd inay macluumaad sax ah soo qoraan. Waxaa noo degsan qorshe aan ku maamulno hubka iyadoo la raacayo nidaamka QM, oo aan sameyney guddi isku dhaf ah, tababaro dhanka farsamada, iyo nidaam cad cad oo warbixinta lagu gudbiyo.”
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada waxqabad iyo ficil in ballanqaadyadii Brussels 16kii September 2013, oo shacabka Soomaaliyeed waxey naga sugayaan ballanqaadyadii in la soo gaarsiiyo. laga dhabeeyo. madaxweynaha ayaa yiri “Dowladdu waxey sameysey Guddi Maamula Dhaqaalaha oo si furfuran oo cad cad u maamulaya dhaqaalaha. waxaan albaabada u furnay deeq bixiyeyaasha oo aan kalsooni ku siineyno deeq bixiyeyaasha. dowladda iyo deeq bixiyeyaasha waa inaan si degdeg ah ficil iyo waxqabad ula imaanaa. waxaa la joogaa waqtigii COMPACT uu shaqeyn lahaa. Shacabka oo naga sugaya wax badan waa inay arkaan fulinta ballanqaadyada.”
“Aawq”Waa muhiim in ballanqaadyadii caalamka laga dhabeeyo si loogu kalsoonaado New Deal.” Waa inaan u muujinaa shacabka in horumarkii loo ballanqaaday la fulinayo. ma awoodi karno inaan ku guul-dareysanno qorshahan Hiigsiga (New Deal).
Madaxweynaha ayaa ku soo gabogabeeyey “waxaan joognaanwaqtigii aan uka gudbi laheyn hadal kaliya oo waa inaan u gudubnaa FICIL iyo WAXQABAD.”
DHAMAAD
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia
The Federal Republic of Somalia
E 1: yarisow@presidency.gov.so
E 2:engabdirahman@gmail.com
Twitter: @thevillasomalia; @engyarisow
Facebook: Eng. Yarisow
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com