Columbus, Ohio (AGGM): Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Ohio gaar ahaan magaalada Columbus ayaa manta isugu yimid Kulan Baroor diiq ah oo loo samaynayay Allaha u naxariistee Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indhacase) oo ahaa Xoghaya Joogatadaa ee Xaafiiska Raysul wasaaraha oo ku Geeriyooday Qaraxii Jimcihii lala eegtay Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya.
Baroor Diiqdan ayaa dadkii ka soo qeyb galay wajiyadooda laga dheehanayay Murugo iyo Xanuun ay ka muujinayaan dhacadada Foosha xun ee ay manaxayaasha Al-shabaab ka gaysteen Xarunta Madaxtooyada, mana jirin wadasheekaysi dadka dhex marayay mudadii hadalku socdayna qofwalba waxa uu u muuqanayay in uu isagu mashquulsanyahay, waxa ay ahayd baroordiiq qof walba oo xitaa aan arkin dadkii arkay marka ay ka sheekeeyeen badashay.
Waxa ay dadkii ka hadlay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dadkii ku waxyeeloobay iyaga oo si gaar ah u xusay Maxamud Xirsi cabdulle oo ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay Dalalka Canada iyo Maraykanka ahaana shaqsi miisaan culus ku lahaa Bulshada isaga oo ay ku xasuustaan waxqabad, Daacadnimo iyo Horumar.
Dadkii hadlayay ayaa qaarkood hadalka sii wadan waayay iyaga oo ilmaynayana la arkayay waxa uuna kulankani ahaa mud aad loo murugaysnaa sida idinkaga muuqanaysa Sawirada ama Muuqaalada kale ee Vidoga.
Waxaa goobta lagu go’aamiyay dhismo gudi u qaabilsan jaaliyada in ay sameeyaan howlo culus oo la xariira sidii loo Cawimi lahaa Qoyska Allaha u naxariistee Maxamud oo ay ku tilmaameen in u ahaa Nin ubadkiisa uga tagay Difaac qaran iyo shaqo qaran, waxayna dowlada Soomaaliya ugu baaqeen in ay xil iska saarto in la baadi goobo sidii loo heli lahaa kuwii dhibkaan soo maleegay la iskana kaa shaqado in dalka laga xoreeyo.
Allaha u naxariistee Maxamud Xirsi Cabdulle (Indha Case) waxa uu ahaa Xogahaya Joogtadaa ee xaafiiska Raysul wasaraha Soomaaliya ilaa iyo 2013 kii xiligaas oo uu la shaqo bilaabay Raysul wasaarihii Hore Mudane Saacid Shirdoon isaga oo shaqadiisa sidiisii ugu wareegay Raysul wasaaraha xiligan Mudane C/wali Sheekh.
Waxa ay ahayd dhacdo xanuun badan taabatayna asxaab iyo Macriifo badan oo uu lahaa Indha Case kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Ajanabi kale oo uu la wadaagay waayihiisa dunida iyo xiliyadiisii shaqada, taas oo sababatay in meelo badna manta looga baroordiiqo isla markaana laga xanuunsado dilkiisa.
“Dilka iyo dhimashada Maxamud iyo kuwa la dhintay mahan mid shacabka Soomaaliyeed ka niyad jabinaysa in ay dalkooda dib ugu laabtaan isla markaana noocwalba oo cadowga ah ay iska qabtaan” sidaa waxaa yiri mid kamid ah dadkii ka hadlay Goobta Baroordiiqda ka socotay.
Deeqo Shire (SONNA)
Deeqosonna@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com