Top News: Ciidamada Siiraaliyoon Oo La Wareegay Fariisamahii Ciidamada Kenya Ee Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM):Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo  ayaa sheegaya in shalay ay Ciidamada Siraliyoon kala wareegeen Dhufaysyadii Ciidamada Kenya ee ku socday Magaca Amisom ay ku lahayeen Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, wararku waxaay intaasi ku darayaan in isla shalay Saraakiisha Ciidamada Kenya ay ku wareejiyeen Hogaanka Ciidamada Amisom ee Sector 2baad Ciidamada Siiraaliyoon kuwaas oo hada ka dib noqonaya hogaanka Amisom ee Sectorka labaad.

Sido kale waxaa maanta lagu wadaa in Ciidamada Siiraaliyoon ay kala wareegaan ciidamada Kenya dekada Caalamiga ah ee Kismaayo Port iyo Saldhigyo kale inkasta oo ay jiraan warar kale oo sheegaya in dhowr boqol oo askari oo ka mid ah kuwa Kenya ay sii joogayaan magaalada kismaayo ayna gacanta ku heyn ayaan garoon ka ama dekedda kismaayo midkood.

Sida warku sheegayo 24 bishaan ayaa lagu wadaa in garoonka Diyaaradaha Kismaayo ay ka dhacdo Xaflad balaran oo lagu maamusayo xilwareejinta Hogaanka Amisom ee Sector 2baad laguna sangoontinayo Ciidamada Kenya ee Mudada ku sugnaa Magaalada kismaayo intooda badan, mana jirto ilaa hadda wax xaqiijinaya warka oo ka soobaxay dhinaca hoggaanka AMISOM ee dalka soomaaliya inkastoo horey loo sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan kismaayo intooda badan kismaayo laga saarayo marka laga reebo dhowr boqol oo askari ,iyadoo lasheegay in ciidamada Kenya loo wareejin doono goobo kale oo ku yaalla gobolada jubbooyinka iyo gedo.

Isku soo wada duuboo Warkani ayaa waxa uu ku soo adayaa iyadoo is bedel lagu sameeyey qaar kamid ah ciidamada AMISOM ee gobolka sh/dhexe iyadoo la isku bedelay ciidamada Burindi iyo kuwa Uganda gaar ahaan degmada mahadaay oo ay horey u joogeen ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ayaa hadda la geeyey ciidamo ka socda dalka Burundi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com