Muqdisho (AGGM): Maamulka Ahlu Sunna wal-Jamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee maanta lugu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha guddiga fulinta maamulka Ahlu Sunna, Sheekh Cabdirisaaq Cali Mire ( al- Ashcari) ayaa Warbaahinta u sheegay in weerarkii uu ahaa mid la doonayay in niyadda loogu dhiso maleeshiyada tabar-darreysay ee al-Shabaab.
Wuxuu sidoo kale, tilmaamay in weerarkii maanta uu meel-ka dhac ku ahaa sumcadda iyo jiritaanka qarannimada Soomaaliya, sidaas darteedna dowladda looga baahan yahay inay qaaddo tallaabooyin deg-deg ah oo ay uga jawaabayso falka manta ka dhacay madaxtooyada.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarka, wuxuuna kuwa dhaawacmay Alle uga baryay inuu caafimaad siiyo.
Al-Ashcari ayaa dowladda u soo jeediyay inay ilaaliso niyadsamida iyo xuquuqda ciidamadeeda, maadaama la joogo xilligii lala xisaabtami lahaa kooxda nabad-diidka ah.
Guddoomiyaha ayaa ka codsaday dadweynaha Soomaaliyeed inuusan niyad-jabin, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM-na laga gacan-siiyo xaqiijinta ammaanka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com