Baledweyne (AGGM): Taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in dhowaan booliiska gobolka Hiiraan ay u billaabanayaan howlo badan oo wax looga qabanayo dhinacyada amniga, horumarinta booliiska iyo xorraynta deegaannada gobolka ay kaga sugan yihiin malleeshiyada Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa intaas ku daray in ay jiraan tababarro u socda dufcaddii labaad ee ciidamada booliiska gobolka, isla markaana dhowaan la howlgelinayo tababarro cusub oo la siinayo qaar ka mid ah ciidamada booliiska.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dhowaan gobolka uu gaarayo hoggaanka dhismaha booliiska, si loo dhiso saldhigga booliiska iyo xeradii Daraawiishta ee Wiil-Waal, oo uu sheegay in laga dhigayo dugsiga tababarrada ciidamada ee gobollada dhexe.
Taliyaha ayaa xusay in ay ciidamadu heegan ugu jiraan sidii ay uga hor tagi lahaayeen falal amni darro oo ka dhaca gobalka, isla markaana ay wadaan dhaqdhaqaaqyo xoogga.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com