War Cusub: Maleeshiyada Raaskambooni Oo Shacabka Magaalada Kismaayo Ka Bililiqeeysanaya Dharka Iyo Raashinka Caydhiinka Ah Ee Guryaha U Yaalay.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo horjooge Axmed Madoobe ay dadka shacabka ah guryahooda ka bililiqeeysanayaan Raashinka iyo Dharka u yaalay.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in gudaha magaalada Kismaayo lagu arkayo maleeshiyada Raaskambooni oo raxan raxan usocda oo bililiqeesanaya guryaha ay dagan yihiin dadka Shacabka.

Warbaahinta Allgalgaduud Media oo xiriir la sameeysay goobjooge ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa uu inoo sheegay “Waxaan oo kale abidkeen meynaan arag raggi waa leenayaan, gabdhihi waa kufsanayaan, Raashinki iyo Dharkiina waa qaadanayaan, gurigii shan qol ah dadki lahaa ee daganaa waxaa lagu oranayaa isugu guura laba qol sadexda kale maleeshiyada ayaa dageeysa, waxaan waa xoolo nalagu soo sii daayay wax ay deeynayaana majirto. waa sida uu hadal u sheegay goobjoogahan ku sugan gudaha magaalada Kismaayo.

Goobjoogahan oo ka gaabsaday magaciisa xaalado amaan awgood ayaa waxa kale oo uu inoo sheegay in maanta maleeshiyada Raaskambooni ay dhexdooda iska dileen sadex nin kadib markii ay ku murmeen dhar iyo Raashin caydhiin ah oo ay ka bililiqeeysanayeen guri kamid ah guryaha ku yaal magaalada Kismaayo, dilkan ayaa waxa uu u dhacay kadib markii mid kamid ahaa sadexdaas nin uu dilay labadii kale si uu kaligii u qaato Raashinkaa ceydhiinka ah, nasiib darose waxaa isla goobti isagi ku dilay maleeshiyo kale  oo goobtaas soo gaaray.

Isku soo wada duuboo xaalada amaanka magaalada Kismaayo ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxa ay sii galaysaa weji hor leh oo madoow.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com