Taliyaha Ciidamada Milatariga Monitoring Group Al-shabaab ayey la sheqeysaa

0

Muqdisho(AGGM): Taliyaha Ciidamada XGS   Daahir Khaliif Cilmi (Indho-Qarsho) oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa Beeniyey Hadal Dhawaan ka soo baxay Hay’ada Dabagalka Cuno Qabateenta Hubka  Dalalka Soomaaliya Eletaria.

Daahir Khaliif Cilmi (Indho-Qarsho) ayaa sheegay  in Hadalka ka soo baxay Hay’ada Muritiriin Garuub uu yahay mid been abuur ah,oo la doonayo in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabkeeda la iska horkeeno.

Taliyaha Ciidanka XGS ayaa sheegay in Hay’ada,ayadu ay la Shaqeyso Maleeshiyada Al-shabaab islamarkaana ay siiso Hubka ay ku Dagaalamaan          Kooxda Al-shabaab.

“Hay’adaas waxaa ay rabtaa in ay Dowladda iyo Shacabka isku dirto,Dowladda Soomaaliya u dulqaadan meyso Eedeenta Nuucaas oo kale ah,Dowladduna Hub masiiso Al-shabaab”ayuu yiri Indho-Qarsho.

Hay’ada QM u qaabilsan Cuno qabateenta Hubka  Dalalka Soomaaliya iyo Eletaria ayaa dhawaan soo saaray Warbixin ku aadan in Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ay Hubka siiyaan Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab Al-Qaa’ida.

Isha ku ahay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gamil.com