Faalo: Inna Ugaas Xaashiyow Cagtii Joogsan Waydaa Marbay Ceeb La Kulantaa. W/Q. C/laahi Xasan Faarax.

0

Waxaan maanta halkaan kaga faaloonaynaa safarka ina ugaas xaashi iyo kooxdiisa waxa ku xambaaray inuu isaga huleelo magaalada kismaayo oo muddo laba sano ah uu ku sugnaa.

Akhristayaal waxaad ogsoontihiin in qormadaan ay ka horeysay mid la yiraahdo dhabaq-dhabaq hore dhabana haysdanbay leedahay.

Tan maanta cinwaakeedu waxaa weeye cagtii joogsan waydaa marbay ceebla kulantaaye.

Hadaba waxaa maanta ka ambabaxay magaalada kismaayo maxamed ugaas xaashi iyo kooxdiisii qaar kamid ah waxaan baryahan maqlaynay ina ugaas xaashi oo ku cabanaya waa nala laayey, waa nala kufsaday, waa nala dhacay waa iga su,aale yaa dilay, yaa kufsaday, yaase dhacay?

Maxamed Ugaas Xaashi iyo guruubkiisu iyagaa mas,uul ka ah waxii meeshaas lagu dilay ama lagu kufsaday ama lagu dhacayba waana taan cinwaanka uga dhigay qormadayda maanta waxaan ogsoonahay ina ugaas xaashi iyo kooxdiisa inay mas,uul ka yihiin 35 qof oo kasoo jeeda beesha sade oo lagu dilay kismaayo 70guri dhacooda, 23 gabdhood kufsigooda kuwaas oo uu uGu danbeeyey cabdi yare iyo ina dabangaale.

Waxaan si taxadar leh ula soconaa dhaqdhaqaaqa ina ugaas xaashi iyo kooxdiisa iyagoo doonaaya inay ku dhexdhuuntaan beesha sade iyagoo adeegsanaya qaab beeleed hoose taas oo ay doonaayaan inay ku dhexdhuuntaan si loo yiraahdo kani waa ugaaska beesha sade waxaanan filayaa waa laga soo gudbay xiligii waxaas la adeegsan jiray oo dadku hada waxay iskaga mid yihiin danbiilaha danbiga ka galay dadka ama beesha.

Waa maxay waxa ubanaan ina ugaas xaashi oo ay ku cafinkaraan beelwaynta sade dhaqankii iyo xiriirkii udhexeeyey beeshuna aysan ku lumayn?

Jawaabtu waxaan umalaynayaa inay sidaan tahay wallow dadkoo dhan ay udhaxayso jawaabtu hadana waxay aniga ila tahay waa isagoo shirjaraa,id ku qabta xamar sheegana in uu yahay danbiile.uuna yiraahdo sidan hoos ku qoran.

1- Marka koowaad waxaan sheegtay waxaanan lahayn danbigaasna rag baa igaliyey waanan ka toobad keenaye ha la icafiyo reer tolkeeyow.

2- Marka labaadna wax kastoo kismaayo uga xumaaday beesha sade anigaa mas,uul ka ah ee hala iga cafiyo reer tolkayow.

Waana inuu cadeeyo inuusan ku noqonayn waxii khaladaadka ahaa ee uu horey u galay.

Haday taasi dhacdo waxaan iimuuqda inaan la aqoon meel loodhaafo, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nin walaalki ii hiili yiri hoog alaabade.

Haduu isagu garan waayey shirqoolka loo dhigay waa in beesha sade ay iska samirtaa waayo nin doqonkiisa ka tagay waxaa dila mid doqonkiisa wata waa maahmaah hore waana tan hada meesha taal.

Gabogabo.

Warqadaan waxay ku socotaa dhamaan waxgaradka beesha sade meel kastooy joogaan.

1- Aqoon yahanada beesha sade meelkastooy joogaan.

2- Culumo awdiinka beesha sade meelkastooy joogaan.

3- Ururarka dhalin yarada beesha sade meelkastooy joogaan.

4- Odayaasha dhaqanka beesha sade meelkastooy joogaan.

5- Ururada haweenka beesha sade meelkastooy joogaan.

Waxaan halkaan kaga codsanaynaa in talaabo loo midaysan yahay laga qaado Ina Ugaas Xaashi waayo waxaa ku jirta badbaadada iyo iskaashiga beesha waana in la ilaaliyo midnimada beesha lagana digtoonaado nin jeclaysiga keeni kara kala tag iyo burbur ku yimaada beesha dhexdeeda.

Waana in lagaarsiiyo inuu cafis dalbado oo loo diido meelo uu ku dhuunto ee la soo taago maxkamad ay leedahay beesha sade loona saaro odayaal ruugcadaa ah oo qaada maxkamada kana soo saara go,aanka uGu danbeeya waa markuu cafis waydiisto.

ina ugaas xaashi
WABILAAHI TOWFIIQ.

C/laahi Xasan Faarax.
Nairobi, Kenya

Qoraalkaan waxaa nasoo gaarsiiyey qoraaga magaciisu hoos ku qoran yahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com