Dhageyso: Col. Cabaas Ibraahim Gureey “Ciidamada Dowladda Ee Gobolka Gedo 3 Sano Raashin Iyo Mushaar Lama Siin”.

0

Ceelwaaq (AGGM): Abandulaha Ciidamada Dowlada Somalia ee Gobolada Jubboyinka Col Cabaas Ibrahim Gureey ayaa waxa uu waraysi siiyay Warbaahinta, waxaana uu waraysigiisaas ku sheegay in Ciidamada Dowlada Gobolka Gedo aysan 3 di sano ee ugu danbeyay aysan wax mushaar ah ka helin Dowlada Soomaaliya.

Abaandulaha ayaa waxaa uu edeyn dusha uga tuuray Taliyaha Ciidamada Xogga Somalia oo asagu dhawaan idacadaha ka sheegay in Ciidamada Dowlada Somalia ee ku sugan Gobolada ay qataan Mushaar buxa.

Ugu danbeyn Col Cabaas waxaa uu Madaxda Qaranka ugu baaqay in ay u istagaan bixinta musharaadka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com