Dhageyso:Ciidamadii Shaqada laga eryay ee DFS oo ku biiray falaagada Al-shabaab

0

Muqdisho(AGGM): ayadoo Dhawaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya Shaqadii Ciidan laga Saaray oo Taliyaha Ciidamada XGS iyo Wasaarada Gaashaandhiga ay sheegeen in aysan wax qaban ayaa Ciidamadaasi waxaa la sheegay in Qaar kood ay ku Biireen Al-shabaab.

Sargaal kamid ahaa Ciidamada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamadaas in tooda badan ay ku Biireen Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ka dib markii ay Dowladda Soomaaliya ay Xaquuq ka waayeen.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale Qaarka kale ee soo haray ay Falal amaandaro ay ka wadaan Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka dhageyso Sargaalka ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya

http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2014/02/Sargaalka-ka-mid-ah-Ciidamadii-Shaqada-laga-saaray.mp3

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com