Muqdisho(AGGM):Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul insaanka oo maanta wareysi gaar ah siisay Warbaahinta Dowladda ayaa ka hadashay warbixin ay soo saartay hay’adda xaquuqda aadanaha ee “Human Rights Watch” oo ay ku sheegayaan in kufsigu dumarka Soomaaliyeed loo geysto uu caadi ka yahay gudaha dalka.
Wasiirka haweenka iyo hormarinta xuquuqul insaanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheetay inaysan suuragal ahayn in kufsiga uu dalka caadi ka noqda, waayo shacabka Soomaaliyeed waa dad muslimiin ah oo aan marnaba ka suurta geleynin waxyaabaha ay Hay’adda soo saartay.
Mar ay ka hadlaysay Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye warbixinta hay’adda oo ku jirtay in bishii 8aad dalka lagu kufsaday 27 haween Soomaaliyeed, ay ku sheegtay in warbixintaasi ay tahay mid xaqiiqda ka fog, islamarkaana hay’addu ay ka been sheegeyso tirada haweenka ee dalka dhibaatada loogu geystay.
Wasiirka Haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaraddu ay u degsantahay qorshe howleed loogu talagalay horumarinta xaquuqda haweenka, islamarkaana ay Wasaaraddu dejineyso qorshe cad oo lagu hirgelinayo dhowridda xaquuqda haweenka meelkasta oo ay jogaan.
“Wasaaradda waxaa ka go’an dhowridda xaquuqul insaanka, anagoo la kaashanayna shacabka Soomaaliyeed waxaan hirgelin doonaa in aan sameyno sharuuc adag oo lagu dhowrayo xaquuqda dumarka Soomaaliyeed” ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye
Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in dowladdu ay ku caawiyaan ilaalinta xuquuqda aadanaha si looga gudbo xad gudubyada ka dhanka ah dhworida xuquuqda aadanaha ee soo gaara dumarka.