Muqdisho(AGGM):Ku-simaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa maanta hambalyo ku aaddan xuska sannadka guurada 54aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidamada Cirka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo la hadlayey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan shacabka uu hambalyo iyo bogaadin u dirayo ciidamada cirka Soomaaliya, waxaana uu sanadkaan sanadkiisa kale u rajeeyay inay ku gaaraan horumar iyo baraare.
“Maanta oo ay bishu tahay 15-ka Febraayo waxa ay ku beegantahay maalinkii la aas aasay ciidanka cirka, sida aan horey u soo sheegnay gobonimada dastuuriyan micnaceedu ay tahay in gobonimada Soomaaliya ay koobeyso cirka, dhulka, badda iyo Jasiiradaha, sidaa darted, in dowladdu ay sugto ilaalinta xaduudaheeda haddii ay lahaan lahayd, cirka dhulka, badaha, ammaanka muwaadinka Soomaaliya, waa mid muqadas ah” ayuu yiri Ku-simaha Madaxweynaha.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa hoosta ka xariiqay in ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay bur burkii dowladdii dhexe ka hor ay qabteen guulo la taaban karro, iyagoo meelo ka baxsan dalka tababar ku siiyay ciidamada wadamada dariska lana ah, waxaana u rajeynayaa in ay soo ceshan doonaan karaamadii ay Qaaradda Afrika ku lahaayeen.
“Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha, guud ahaan kan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u hambalyaynayaa xuska maalinta ciidanka cirka Soomaaliyeed oo 54 sano ka soo wareegtay, waxaana saraakiisha, saraakiil xigeenada, dhamaan ciidamada cirka iyo xaasaskooda inay sanadkan kiisa kale ku gaaraan barwaaqo” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Mudane Jawaari.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com