Dawladda Ingriiska Oo Uga Digtay Muwaadininteeda Tagidda Soomaaliya Islamarkaana Ugu Baaqday Kuwa Ku Sugan Soomaaliya Inay Isaga Soo Baxaan.

0

London (AGGM): Dawlada dalka Ingriiska ayaa ku celisay digniin ah in aaney muwaadiniinteedu tegi Soomaaliya iyo Somaliland kuwa haatan ku sugan ay isaga soo baxaan.

Dowladda Ingiriiska ayaa digniintan ku saleysay khataro ay sheegtay in ay ka imanayaan kooxaha xagjiriinta ah oo iclaamiyay weeraro ka dhan ah reer Galbeedka ku sugan Soomaaliya.

Digniinta ayaa lagu sheegay in weerarada xag jiriintu in ay noqon karaan qaar aan loo meeldeyin oo ka dhici kara goobo kulamo ay ka dhacayaan oo ay joogi karaan masuuliyiin dawladda ka tirsan ama ay tahay goob reer Galbeedku booqdaan.

Digniintan ayaa ku soo beegmeysa weerar maanta ka dhacay duleedka garoonka Aadan cade ee magaalada Muqdisho oo ay sheegteen kooxda Al Shabaab.

Isku soo wada duuboo dowladda Turkiga ayaa maanta waxa ay joojisay gabi ahaan lacagti mucaawinada ay u siin jirtay bil walba dowladda Soomaaliya, dhinaca kalena warbixin ay soo saartay Monitor Group-ka ayaa iyana waxaa lagu eedeeyay dowladda Soomaaliya inay hubka la siiyo uu ay u gacan galiso ururka argagixisada ah ee Al Shabaab, arrimahan isbiirsaday ayaa dhamaantood waxa ay dhabarjab weyn ku yihiin dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com