Ankara (AGGM): Waxaa la sheegay in xilligaan ay jogsatey lacag dowladda Turkiga ay ku saacidi jirtay Soomaaliya,waxaana lacagta ay ahaayd mid ku soo dhici jirtay bangiga Soomaaliya.
Dowladda Turkiga oo bil-walba dowladda faderaalka usoo gacan-galin jirtay miisaaniyad kaash ah oo dhan $4.5 milyan oo doollarka Maraykanka ah,ayaa xilligaan la shaaciyey in si toos ah loo joojiyey.
Jiritaanka lacagta xilligaan laga joojiyey dowladda Soomaaliya,waxaa caddeyey guddoomiyihii hore ee bangiga dhexe ee Soomaaliya ee is casilay Cabdisalaam Cumar,waxaana u sheegay in lacagtaas ay bangiga soo gali jirtay mudadii 7 bilood ahayd ee uu madaxda ka ahaa bangiga Soomaaliya.
Mas’uul isna ka tirsan dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa dhankiisa qiray in lacagtaas ay joogsatay daba yaaqadii sannadkii lasoo dhaafay balse ay rajaynayaan inay dib u bilaabato.
Dhinaca dowladda Turkiga oo iyadu lacagtan ka jartay dowladda Soomaaliya,waxaa u hadlay oo xaqiijiyey warkaan wasiirka Arrimaha Dibadda,waxaana uu tilmaamay in dowlada Turkigu ay lacagtaas joojisay daba yaqadii sannadkii lasoo dhaafay ee 2013.
Sidoo kale waxaa jirta in mas’uul ka tirsan dowlada Turkiga oo isagoo ku sugan magaalada Ankara la weydiiyay in Turkigu lacagtaas dib ubilaabi doono iyo in kale ayaa wuxuu ku jawaabay sidan,‘‘Hadda qorshaha nooguma jirto arintaas’’
Docda kale dowladda Turkigu,waxaa ay shegtay in joojinta lacagtan aysan saameyn ku yeelan doonin mashaariicda hay’adda TIKA ka waddo Soomaaliya.
Ma jirto wali wax faah-faahin ah oo ka soo baxay dowladda Turkiga taaso ku aadan sababta kentay in lacagtaan laga jaro dowladda Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in dalka Turkiga ay ahaayd dalka kaliya ee sida weyn u taageerayey dowladda dhexe ee Soomaaliya,waxaana jirtay in taageerada Soomaaliya Turkigaga ay uga bixijirtay malaayin doollar oo mashaaric iyo lacag ahaanba loo soo garsin jiray dowladda faderaalka.
Warkaan soo baxay ee lugu xaqiijiyey in dowladda faderaalka aysan lacag danbe ka heli doonin dowladda Turkiga,waxaa uu noqonaya mid murugo iyo dhamabar jab ku noqda dowladda faderaalka Soomaaliya.
Horey waxaa u jirtay warbixino ka soo baxay dowladda Marekanka iyo Midowga Yurub,kuwaaso lugu sheegay in lacagta ay hesho dowladda Soomaaliya la musuq-maasuqo.
Dadka falanqeeya siyaasada dalka Turkiga waxaa ay sheegayan in cadaadis badan uu kaga yimid Turkiga taageerada xawliga ku sucotay ee uu Soomaaliya siinjiray,wadamo badan oo reer Galbed ah ayaa la sheegay inay cadiis ku saaren arrinta Turkiga,iyadoona xata gudaa dalkaas laga dhex kaciyey jahwareer siyaased iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo xukuumadda talada dalkaas haysa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com