Kenya”Shabaab Uganda weerar ku ah ayaan ku Raad joognaa”

0

Saraakiil ka tirsan sirdoonka wadanka Kenya ayaa sheegay inay ku raad joogaan rag ay ku sheegeen inay ka tirsan yihiin Xarakadda Al-Shabab kuwaasoo maleegaya weeraro lagu qaado wadanka Uganda.

Warar lagu qoray warbaahinta dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in xubno ka tirsan sirdoonka Kenya ay gudaha dalka Kenya ka baadi goobayaan koox dhalinyaro ah oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabab oo isku diyaarinaya inay ka gudbaan xaduuda Kenya iyo Uganda u dhaxaysa si ay dalka Uganda weeraro uga geystaan.

Kooxdaas Al-Shabab ka tirsan waxaa hogaaminaya nin ay sirdoonka Kenya magaciisa ku sheegeen Cumar Khaalid kaasi oo la aaminsanyahay inuu ku sugan yahay xaduuda labada dal u dhaxaysa.

Sargaal aan magaciisa shaacin hase ahaatee u hadlay sirdoonka Kenya ayaa u sheegay wargeyska The Standard in raggaan ay maalmahaan ku sugnaayeen magaalada Nairobi oo ay weerarka ka diyaariyeen sida ay xogta ku hayaan.

Safaaradda Maraykanka ee Uganda ku taala ayaa warbixin ay shalay soo saartay waxay ku sheegtay in Xarakadda Al-Shabab ay maleegayaan weeraro ay ku qaadan caasimada dalka Uganda.

Dawlada Uganda willi digniintaas kama aysan hadlin hase ahaatee warbaahinta Uganda ayaa tabinaysa in heegan la galiyay ciidamada Uganda.