Dowladda Somalia oo Cambaareysay Weerarkii maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho- 13-02-2014 Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa weerarkii Argagaxiso ee maanta ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kaasoo qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu kasoo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa goobo ganacsi iyo kuwo wadada isticmaalayay.

Dawladdu waxay tacsi u direysaa ehelada, iyo qaraabada dadkii  Soomaaliyeed ee ku geeriyooday  qaraxaas iyadoo  ilaah caafimaad uga baryaysa kuwii ku dhaawacmay,

waxaan cadaynaynaa in weerarkaasi uu ahaa mid ay ka dambeeyeen kooxaha nabad-diidka waxaana ku raadjooga laamaha amniga ee dowlada Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow “

Kooxaha Argagaxisadu waxa ay mar weliba isku dayayaaan sidii ay qalqal u gelin lahaayeen dad shacabka ah islamarkaana uu amnigu faraha uga bixi lahaa si ay usii wadaan khalalaasaha hase yeeshee dowlada Soomaaliyeed ma ogolaan doonto falalakaasi ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka warfaafinta Musatafa Sheekh Cali Dhuxulow oo hadal qoraal ah xafiiskiisa maanta kasoo saaray

Dawladda Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa dadweynaha Soomaaliyeed  Wadashaqaynta iyo gacansiinta kala dhaxaysa hay’adaha aminaga, waxaanuna ka codsaneynaa inay sii kordhiyaan,

Ugu danbayn waxaa ka go,an dawladda Soomaaliyeed in ay dalka ka cirib tirto kooxaha nabadda diidan ee caadeystay waxyeelada dadka Soomaaliyeed

 

DHAMAAD

Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya

Isha ku hay Allgalgadud Media

Allgalgaduud@gmail.com