Istanbul (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uusan geeriyoon, wararka ay daabacaeen qaar ka mid ah warbaahinta soomaalidana ay yihiin kuwo been abuur ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa uu nool yahay caafimaadkiisuna waa taam, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku sugnaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxa ay ku guda jiraan hoowlahi shaqo ee ay u tageen dalka Turkiga.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa iminka u Dhoofayaan Gobolka Antaktiya Oo Ah Gobol Dalxiiska Iyo Nasashada Ku Wacan.
Isku soo wada duuboo wararkan been abuurka ah ayaa waxaa lagu daabacay qaar kamid ah warbaahinta soomaalida iyada oo aan la ogeen ujeedka laga leeyahay, geeridu waa xaq qof walbana waa uu dhadhaminayaa, waqtina loogu dari maayo lagana dhimi maayo balse qofka xataa haddii aad diidan tahay siyaasadiisa ma ay aha in heerkaas been gaaraysa la faafiyo, Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud waa uu nool yahay waana nabad qabaa.